Friday, 2024-03-29, 4:51 AM

Site menu
Best Free Domains
Our poll
Rate my site
Total of answers: 14
Search
Main » 2014 » July » 7 » Somaliland oo Hawadeeda La Wareegtay iyo Qalab Cusub oo Hawada Lagu Maamulaayo
1:47 PM
Somaliland oo Hawadeeda La Wareegtay iyo Qalab Cusub oo Hawada Lagu Maamulaayo

Xukuumada Soomaliland ayaa sheegtay inay diyaarisay qalabka lagu hago diyaaradaha isticmaalaya hawadeeda,

isla markaana aanay ogolaan doonin in Muqdisho laga maamulo hawadeeda.
 
Wasaarada Duulista Hawada iyo gadiidka cirka ee Soomaaliland ayaa sheegtay inay tijaabisay qabalka diyaaradaha lagula xadhiidho isla markaana ka go’antahay inay qaado talaabada ay ku maamuleyso hawadeeda.
 
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xili uu burburay heshiis hore u dhexmaray xukuumada Soomaaliland iyo xukuumaada Federaalka ee dalka Soomaaliya oo sheegayey inay labada dhinac si wadajir ah u maamuli doonaan hawada Soomaaliya kadib markii Qaramada Midoobay ay soo wareejiso hawshaasi oo ay gacanta kusoo heysay tan iyo burburkii xukuumadii dhexe ee dalkii laysku odhanjiray Soomaaliya.
 
Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay inay uga digeyso Qaramada Midoobay inay qaado talaabo aanay raali ka ahayn xukuumadoodu.
 
Marka la'eego qablabka ay Somaliland sheegtay inay ku rakibtay madaarka Hargeysa ayaa ah mid casri ah isla markaana aan la ogeyn inta uu la eg yahay awooda hagida dhamaan gaadiidka cirka ee isticmaala hawada Somaliland, xili qalabkii loogu talo galay uu weli yaalo magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Views: 795 | Added by: Halyey | Rating: 0.0/0
Total comments: 0