Main » 2014»July»13 » CALEENTA QAADKA OO MAR KALE SUUQYADAA YURUBTA SOO GALAY
4:46 PM
CALEENTA QAADKA OO MAR KALE SUUQYADAA YURUBTA SOO GALAY
Qaadkii dhawaan laga joojiyayDalka Uk ayaa waxaad mooda inuu hadana ku soo noqday suuqyada Dalal badan oo yurubta ka mid ah. Qaadka imika soogalay qaarada Yurub ayaa ah mid garaabo ah oo duqadaysan oo baco yar yar ku jira isla markaasna ka yimaada Dalka itoobiya. Qaadkan cusub ee suuqa soo galay ayaa Cargo iyo DHL lagu sooo dira waxaana laga soo dira Addis Ababa waxaanu inta badan kasoo degaa Holland iyo Sweden Qaabka u kuyimaado ayaa ah si kotorabaan ah isaga cunto ahaan usoo gala suuqyada laakin Wadamadaasi wali war kama hayaan arintaas. waxaad mooda in Somalidu geedkan qaadki ahi aanu waligii ka hadhaynin mar walbana sanco kala oo lagu soo tahriibiyo ayaa soo baxaysa Dalka itoobiya ayaa imika la mooda inuu awoodi dhaqaale Kenya ka faaidi jirtay ay hatiyeen. Dalak itoobiya ayaa ka tirsan Dawladaha ku bahoobay free Tarde waxaana dhici karta in adkaato in laga soo horjeesto ibinta qaadka.