Friday, 2024-04-19, 2:00 PM

Site menu
Best Free Domains
Our poll
Rate my site
Total of answers: 14
Search
Main » 2014 » June » 23 » Somaliland oo Ku baraarugtay Haayado Basaasin ah iyo kuwo Qas Wadayaal ah oo Dalka Ka Hawl Gala
2:33 PM
Somaliland oo Ku baraarugtay Haayado Basaasin ah iyo kuwo Qas Wadayaal ah oo Dalka Ka Hawl Gala

 Dawladda Somaliland, ayaa sheegtay in hay’adaha ajnabi ah hawlo basaasnimo iyo kala fogaynta bulsahda u joogaan gudaha dalka, kuwaasoo lagu eedeeyey inay tuulo-tuulo iyo qabiil-qabiil u qaybinayaan ummadda.

Wasiirka Daakhiliga Md. Cali Maxamed Warancadde oo hortagay fadhigii shalay ee Golaha Guurtida, ayaa ku dhawaaqay in shaqaale ajnabi ah oo mashaariic dhinaca nabadgelyada ah soo qaatay ay dhex wareegayaan gudaha Somaliland, balse wasiirku ma uu caddayn magaca hay’adaha iyo shaqaalaha hawlaha basaasnimo u jooga dalka, waxase uu tilmaamay inay wadanka ka saari doonaan hay’adda hawlo nabadgelyo ka shaqaysa ee aan qorshaheeda la tagin Wasaaradda Daakhiliga.

“Arrinta hay’adaha ajaanibka ah ee nabadgelyada ka shaqeeya iyo gaalada (ajnabiga) magaalooyinka iyo tuulooyinkeenna dhex wareegaya waa arrin fool-xumo weyn innagu ah oo aan ku habboonayn qarankeenna. Waa niman diiddan inay maamulka u sii maraan dadka shacabka ah iyo dalka aynu xukuno. Waa niman inoo qaybiya qabaa’il oo jecel inay qabiil-qabiil iyo tuulo-tuulo inoola kulmaan, balse aan jeclayn inay qaran ahaan inoola kulmaan,” ayuu yidhi Wasiirka Daakhiliga oo ka jawaabay su’aal xildhibaan Guurtida ah ka weydiiyey waxa uga meel yaal hay’adaha iyo shaqaalaha shisheeye ee hawlaha dhaqan-xumada ah ka wada Somaliland.

Md. Warancadde, ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in mashaariicda iyo dhaqaalaha hay’adaha ajnabiga ah soo qaataan noqdaan qaar wax ka tara hannaanka nabadgelyo iyo dawladnimo ee Somaliland, isagoo xusay inuu warqad u qoray toddobaadkan hay’adaha laga shakisan yahay.

“Maalin shannaadii (toddobaadkan) warqad baan u diray aan leeyahay cid kastoo nabadgelyada Somaliland lacag ku soo qaadatay amma cid u soo dirtay waa inay qorshahooda la yimaaddaan Wasaaradda Daakhiliga, cidda aan la imanna dalka way ka baxaysaa. Dalkan kama jiri karaan wasaarado nabadgelyo oo fara badan. Waxa hawlaha ay wadaan ku jira basaasid, kala fogayn. Dhaqankeenna iyo nabadgelyadeenna nin gaal ah oo Yurub ka yimi ayaa waxyeello ku ah, weliba raggaasi waa dhallinyaro ilaa 30 jir da’doodu u badan tahay, waanna qaar tuulooyinkeenna wareegaya oo ajnabi ah, taasna tallaabo ayaannu ka qaadnay, waanuna u yeedhnay. Nin aanaan hubin waxa uu samaynayo ama aan wasaaradda daakhiliga soo marinm, hormuudna aanay ka noqon oggolaan maynno, lacagaha iyo barnaamijyada ay soo qaataanna waa inay noqdaan qaar wax ka tara habka dawladnimo iyo nabadgelyada aynu ku shaqayno, laakiin aanay noqon qaar dhib inoo keena,” ayuu yidhi wasiirku.

Gabiley

Views: 689 | Added by: Halyey | Rating: 5.0/1
Total comments: 0