Friday, 2024-04-19, 8:22 PM

Site menu
Best Free Domains
Our poll
Rate my site
Total of answers: 14
Search
Main » 2014 » July » 1 » Bakistaani Lagu Adoonsaday Magaalada Berbera oo La badbaadiyay " Shirkad Sucuudi ah ayaa na khiyaamaysay"
2:04 PM
Bakistaani Lagu Adoonsaday Magaalada Berbera oo La badbaadiyay " Shirkad Sucuudi ah ayaa na khiyaamaysay"

Muwaaddiniin u dhashay dalka Pakistan oo tiradoodu dhan tahay 20 rag ah, ayaa qaab ganacsi dadka ah (Human trafficking) lagu soo geliyey dalka Jamhuuriyadda, gaar ahaan magaalada dekedda ah ee Berbera, halkaasoo si aan rabatinaankooda ahayn loogu shaqaystay muddo bil ka badan.

Sida lagu baahiyey qaar ka mid ah hay’adaha warbaahinta caalamka, gaar ahaan kuwa dalka Pakistan, dad wakiillo ah oo aan la magacaabin, ayaa raggan si khiyaamo ah uga soo dhoofiyey waddanka Pakistan bishii May ee sannadkan, iyadoo lagu wargeliyey in la geynayo Sucuudiga si ay shirkad kalluumaysi ugu shaqeeyaan, balse waxa si qarsoodiya lagu keenay magaalada Berbera ee Somaliland, kuwaasoo baasaaboorkooda iyo dukumantiyadii ay siteen oo dhan lagaga qaaday madaarka Dubai ee Imaaraadka Carabta.

Hay’ad la yidhaa Ansar Burney Trust International oo uu leeyahay Wasiirkii hore ee Xuquuqal-insaanka Pakistan, magaciisuna yahay Ansar Burnay, ayaa ka war helay ragga qaabka ka-ganacsiga dadka ah loogu haysto Somaliland, kadib markii mid ka mid ah 20 qof ee reer Pakistan ay u suurtogashay inuu hay’addaas la xidhiidho, kana codsaday in laga badbaadiyo koox ku nool Somaliland oo si xoog ah, bani’aadanimadana ka baxsan ugu shaqaysta.

Sida hay’addani shaaciyey 12  nin oo ka mid ah 20-ka xubnood ee lagu shaqaysanayey, ayaa la badbaadiyey, dibna loogu celiyey dalka Pakistan maalintii Sabtida ee toddobaadkan, iyadoo raggaas dib loo celiyey ka warbixiyey qaabka loola dhaqmay muddadii lagu haystay gudaha Somaliland, gaar ahaan magaalada Berbera.

“Waxaannu u haysannay in lana geynayo dalka Sucuudiga oo shirkad kalluumaysi na doonayso, maadaama lana tusay wargeys uu ku yaal xayeysiis lagu doonayo kalluumaysato Sucuudiga ka shaqeeya, una adeega dadka xilliga cumrada u taga dhulka barakaysan, laakiin nasiib-darro waa lana khiyaameeyey, waxana nala geeyey Somaliland, weliba magaalada dekedda ah ee Berbera, si xun ayaana naloo shaqaalaysiiyey. Wax kasta oo la noo sheegay waannu aqbalnay.” Sidaa waxa yidhi nin lagu magacaabo Feroze Bhatti oo ka mid ah 12 Pakistani oo dib loogu celiyey dalkooda.

Waxa uu intaa ku daray; “Ma garanayo sida aannu Berbera ku tagnay, dadkii aannu sida xoogga ah ugu shaqaynaynay way na dili jireen. Xadgudubyo ayaa nalagu sameeyey, waxayna ku hanjabeen inay na khaarajin doonaan haddaannu amarkooda diidno, wax lacag iyo mushqaayad ahna nalama siin jirin.”

Hase ahaatee, ninkaasi wax sharraxaad ah kama uu bixin cidda Berbera ku dhex addoonsatay, shirkadda ay u shaqaynayeen iyo waxa shaqadoodu ahayd midna, laakiin waxa uu farta ku fiiqay cidda ka soo kaxaysay dalka Pakistan.

“Nin wakiil ah oo magaciisu yahay Tariq ayaa na soo kexeeyey, isagaana noo sheegay in aannu shaqo u tagayno dalka Sucuudiga. Xafiis ayuu ku leeyahay gudaha Pakistan, markii aannu is-diwaangelinay lacag ayuu naga qaatay, waxayna ahayd mid badan oo qaar naga mid ah aanay awoodin inay iska bixiyaan, waxayna soo iibiyeen dahabkii xaasaskooda, qaarkoodna dad qaraabo la ah ayey lacag ka ammaahdeen, waxayna is lahaayeen markaad Sucuudiga ka soo shaqaysataan u soo celiya, balse nasiib-darro khiyaamo ayaa nagu dhacday, iyadoo si afduub ah oo aan rabitaankayaga ahayn naloo geeyey Berbera, shaqo aan munaasib nagu ahayn, wax mushqaayad ahna aan nalaga siin ayaanna naloo diray,” ayuu yidhi ninka reer Pakistan ah.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in markii Berbera la keenay lagu wargeliyey in shirkadda shaqaalaysiinta ka dalbatay ee Sucuudigu 20ka nin ee reer Pakistan ay ka sii iibisay muwaaddin reer Somaliland ah si uu muruqooda uga faa’iido, qaab addoonsi ahna ugu shaqaysto, arrintaasoo uu xusay inay ku beertay naxdin iyo xaalad qallafsan.

Nin kale oo lagu magacaaco Mohammad Iqbal oo ka mid ah raggaas, ayaa isaguna ka xog-warramay sida ay ugu suurtogashay inay ka baxsadaan dadka ku shaqaysanayey, dibna ugu laabtaan dalkooda hooyo ee Pakistan, waxaannu yidhi; “Markii sida dameeraha lanoogu shaqaystay, wax mushqaad ahna aannu weynay, annagoo 12 qof ah waxaannu go’aansanay in aannu dhuumano, kadibna waxaannu galnay masaajid ku yaal Berbera, annagoo imaamkii masaajidka magangelyo weydiisannay. Waxaannu telefoon kula hadalnay qoysaskayagii. Waxa kaloo aannu helnay telefoonkooda, lana hadalnay hay’adda Ansar Burney oo aannu ka codsannay inay naga caawiyaan sidii aannu dib ugu laaban lahayn Pakistan.”

Hay’adda Ansar Burnay, ayaa dhinaceeda warbaahinta u sheegtay in markii ay maqleen dhibaatadda dadka reer Pakistan haysata si degdeg ah xidhiidh ula sameeyey Wasaaradda Arrimaha Dibedda Pakistan, lana socodsiiyeen in muwaaddiniin dadkooda ka mid ah qaab addoonsi ah loogu haysto Somaliland, dedaalkaasoo ay sheegeen inuu sabab u noqday in 12-ka qof dalkooda dib loogu celiyo, halka 8 kale oo hadhayna weli aan xaaladooda wax xog ah laga helin, laakiin lagu jiro dedaalo la xidhiidha siddii raggaasna loogu guulaysan lahaa in iyagoo caafimaad qaba loo gayn lahaa Pakistan.

Dhinaca kale, dawladda Somaliland iyo maamulka magaalada Berbera ayaan ilaa hadda wax hadal ah ka soo saarin arrintan foosha xun ee dalkooda ka dhacday, iyadoo sidoo kale aan si rasmi ah loo aqoonsan cidda addoonsatay, kuna shaqaysatay 20-ka xubnood ee u dhashay Pakistan.

Jamhuuriya

Views: 739 | Added by: Halyey | Rating: 0.0/0
Total comments: 0