Friday, 2024-04-19, 10:23 PM

Site menu
Best Free Domains
Our poll
Rate my site
Total of answers: 14
Search
Main » 2014 » August » 10 » Wasiir Warancade oo u Jawaabay Kuwa Kaxun in Saliid Somaliland Soo Saarayso
0:17 AM
Wasiir Warancade oo u Jawaabay Kuwa Kaxun in Saliid Somaliland Soo Saarayso

Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cali Maxamed Warran-cadde, ayaa jawaab ka bixiyey warbixin dareen shaki leh ka bixisay ciidanka Ilaalada Shidaalka ee OPU, taasoo ku tilmaantay in ay khatar ku yihiin ammaanka mandaqada, isagoo sheegay in  warbixintaas ay qoreen hay’addo iyo shakhsiyaad aan xog badan hayn, isla markaana cadaw ku ah horumarka Somaliland.

Md. Cali Warran-cadde oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa maanta, waxa uu faahfaahin ka bixiyey in ciidanka OPU ujeeddada loo aasaasaya tahay in ay ilaaliyaan wax-soosaarka dalka, balse aanay colaado iyo amni darro horseeday, kana mid yihiin ciidanka bilayska.

“Ciidanka OPU oo macnaheedu yahay ciidanka ilaalada wax-soosaarka amma shidaalka, ciidankaas waxa si badan looga sii daayey siyaabo khaldan oo caalamka loo geeyey, haddii aan idiinka warramo abuurista ciidammada OPU-da ee laga bixiyey dhawaan qaylo-dhaanta haddii ay yihiin hay’adaha caalamiga ah qaarkood iyo hadday yihiin kuwa gudahaba, waxay tahay xog la’aan ka haysa hay’adahaas danta laga leeyahay ciidanka iyo dhismahiisa qaranka Somaliland ugu talagalay, sidaa darteed haddii aan faahfaahin ka bixiyo ujeeddada qaranka Somaliland ka leeyahay ciidammadan oo aan ilaa hadda la abuuray waxay tahay

1.      Ciidanka oo ka mid ah ciidanka booliska iyo qaar ka iman doona ciidanka ciidammada qaranka amma qalabka, intaasay ka koobnaan doonaan ciidankaas. Ciidanka bilaysku wuxuu leeyahay hoggaamo, hoggaamadaas waxa ka mid ah Hoggaanka Baadhista Dambiyada, Hoggaanka Birmadka (RRU iyo SPU), Hoggaanka ka Hortaga Argagixisada iyo hoggaane kale oo dhammaantood hoos yimaada Taliska Booliska Somaliland, iyadoo  ay masuul ka tahay dhammaantoodna ay hoos yimadaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland.

2.      Waxay gaar u noqon doona ciidammadaas ilaalinta ammaanka hawlaha shidaalka iyo shaqaalahooda ka hawlgalaya soo saarista shidaalka.

3.      Waxaanay noqon doonaan ciidan si gaar ah u tababaran oo hanan doona hawlahay qaranka u hayaan.

4.    Ciidankan (OPU) maaha mid loogu talagalay inuu ammaan darro ka abuuro dalalka dariska la ah Somaliland, gaar ahaan Soomaaliya, sida ay ku andacoonayaan hay’adaha iyo shakhsiyaad ka faalooda arrimaha Geeska Afrika, laakiin ay ka muuqato xog la’aan ka haysata sidii ay u heli lahaayeen warar sugan oo ku fadhiya xaqiiqda, sida ay u warameen hay’adahaasina waa si aan xaqiiqda ku fadhiyin oo aad moodo in aanay wax war ahba ka haynin habka loo samaynaayo ciidammadaas.

Sidaa awgeed waxaannu jecel nahay in aanu dunida u sheegno in Somaliland tahay dawlad jecel nabada iyo daris wanaaga, haseyeeshee u guntan sidii ay dalkeeda iyo dalkeedaba u gaadhsiin lahayd horumar iyo barwaaqo, ammaankeedana ay u ilaashan lahay,” ayuu yidhi Wasiirkha Daakhiligu oo faahfaahin iyo qeexitaan ka bixiyey ciidammada OPU.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Warran-cadde oo wax laga ka waydiiyey waxa uu kaga jawaabayo walaac warbixin Sabtidii soo bixiday ka muujisay in ciidammada Ilaalada Shirkadaha Shidaalka ee OPU sababi karaan colaad degaannada Sool iyo Sanaag  in ciidammada RRU lid ku yihiin xuquuqal-insaanka iyo welwel uu ciidankaas ka muujiyey  shakhsi warbixintu ku sheegtay inuu yahay  La-taliyaha Ammaanka ee Dawladda ingiriisku waxa uu yidhi; “War xumada tashiilkii aan sheegaayey bay ka mid tahay taas ay soo qoreen, ninkay sheegayeen waxay ku sheegeen Assaya Risk, manaha qof, in aanay waxba ogayn ban kuu sheegayaaye, waa magac shirkadeed, mana ah nin Ingiriiska u shaqeeya ee waa shirkad madaxbannaan oo samaysa daraasadaha oo aanu waydiisanay in ay daraasad noogu sameeyan ciidammada ugu wanaagsan ee ku soo bixi kara hawlaha shidaalka, in aanay waxba ogayna waxa kuu sheegi karaysa Assaya Risk waa nin bay yidhaahdeen, xataa adeegayaasha inagu dhex jira waa qaar been u sheegay.”

Md. Cali warran-cadde waxa uu tilmaamay in ciidammadaas ilaalada shidaalku aanay wax colaad ah abuuray, isla markaana Somaliland leedahay xuduud u sugan oo aan cidina ku soo xad-gudbay.

Jamhuuriya

 

Views: 758 | Added by: Halyey | Rating: 0.0/0
Total comments: 0