Somaliland oo Gacanta Ku dhigtay Nin itoobiyan ah xijaab xidhay oo Doonaayay inuu Qaraxyo Ka Fuliyo Hargaisa - 20 July 2014 - GOB MEDIA
Tuesday, 2017-02-28, 5:23 PM

Site menu
Best Free Domains
Our poll
Rate my site
Total of answers: 13
Search
Main » 2014 » July » 20 » Somaliland oo Gacanta Ku dhigtay Nin itoobiyan ah xijaab xidhay oo Doonaayay inuu Qaraxyo Ka Fuliyo Hargaisa
8:15 PM
Somaliland oo Gacanta Ku dhigtay Nin itoobiyan ah xijaab xidhay oo Doonaayay inuu Qaraxyo Ka Fuliyo Hargaisa

Booliska Degmada Tog-Wajaale ayaa maanta xabsiga u taxaabay nin xijaab xidhan ninkan xijaabka xidhnaa ayaa isaga oon ku guulaysan ujeedadii uu ka lahaa xijaabka boolisku dagmada Tog-Wajaale gacanta ku dhigeen, sida uu noo xaqiijiyay Taliyaha Saldhiga Booliska Dagmada Tog-Wajaale : Cabdiraxmaan Cabdilaahi Madar(Hoos-U Jeed) mar ay shabakada wararka gabiley news kula xidhiidhay khadka tilifoonka oo aaanu wax ka waydiinay Ayaa wuxu yidhi;
Ninkan xijaabka xidhan oo ah nin ajaanib ah oo ka soo jeeda qoomiyada oromada ee ku dhaqan dalka itoobiya ee aynu jaarka nahay ayaa Maanta suuqa bacadlaha magaalada tog-wajaale ka iibsadey xijaab iyo niqaam isla markaana waxuu xijaabkii iyo niqaamkiiba ku xidhay isla suuqa dhexdiisa kadibna waxaa ku qayliyay shacabkii kolkaa ku sugnaa suuqa sidaasina ugu soo gacan galiyay booliiska magaalada Tog-wajaale.

Arintan ayaa la yaab ku noqotay gebi ahaan dadwaynaha ku dhaqan gudaha magaalada to-wajaale isla markaana ilaa maanta si aad ah looga hadal hayay suuqyada iyo goobaha ijtimaaciga ah ee bulshada ku kulanto ee ku yaala magaalada wajaale.

lama garanayo sababta rasmiga ah ee ninkaasi ku kaliftay inuu xidho xijaabkaa iyo niqaamka Booliska magaalada wajaale ayaa baadhis xoogan ku haya kiiska ninkan Taliyaha Saldhiga Wajaale: Cabdiraxmaan Cabdilaahi Madar (Hoos-U-Jeed) ayaa noo sheegay in ninkaasi markii la su,aalay sababta ku kaliftay uu ku andacoonayo in xijaabka uu u iibinayay xaaskiisa isla-markaana uu isku qiyaasayay .

Gabiley

Views: 200 | Added by: Halyey | Rating: 0.0/0
Total comments: 0