Friday, 2024-03-29, 12:03 PM

Site menu
Best Free Domains
Our poll
Rate my site
Total of answers: 14
Search
Main » 2014 » July » 10 » Qaraxii Villa Somalia oo Noqday Mid Laga Soo abaabulay isla Gobtaas Qaraxu Ka Dhacay
5:59 PM
Qaraxii Villa Somalia oo Noqday Mid Laga Soo abaabulay isla Gobtaas Qaraxu Ka Dhacay

Ninka fuliyay weerarkii Villa Somalia waxaa la yiraahdaa Xasan Muxyadiin Bustoolad weyne.Aabahiis Masjidka Madaxtooyadda ayuu Iimaam ka yahay.wuxuuna u dhashay qabiilka Hawiye -Abgaal-Harti Abgaal- Agoonyar -

Ninkaan oo adeerkiis ka mid yahay taliyeyaasha tababarka Ciidanka Madaxtooyadda wuxuu Villa Somalia u qaabilsanaa adeega Isgaarsiinta ama telefoonada.

Dadka yaqaana waxay sheegeen in Xasan Muxyadiin marna looga shaki qabin inuu gacan saar la leeyahay argagixisada maxaa yeelay dhaqan ahaan iyo dabeecad ahaanba maaha qof lagu tirin karo xagjirnimo.

Golisnews

Ciidanka Dowladda ayaa gacanta ku dhigay Xasan Muxyadiin,waxaana la weydiinayaa sababahii ku qasbay inuu argagixisada u sahlo weerarkii ay galabta ku qaadeen Villa Somalia ama Madaxtooyadda.

Sikastaba ha ahaatee, Xasan Muxyadiin Bustooladweyne wuxuu Maleeshiyadaas ku soo qaaday gaarigiisa isagoo soo horkacay,waxayna si dhib yar ugu gudbeen gudaha maadama uu yahay nin si weyn looga yaqaan Madaxtooyadda oo aan marnaba laga shakin.

Ballanqaadkii Madaxweynaha siiyay bulshada Soomaaliyeed ee NABAD KU AFURA WUXUU ISU BEDELAY NAXDIN KU AFURA laakiin hadii uu damiir leeyahay Madaxweyne Garguurte runtii kuma yaalo weji uu bulshada kula hadlo.

Diblomaasiyiinta Soomaaliyeed waxay kula taliyeen Madaxweyne Garguurte inuu indha shareer xirto marka uu Warbaahinta ka hadlaa maxaa yeelay isagoo jooga South Africa wuxuu Caalamka u sheegay inuu isbedel balaaran sameeyn doono markii la weeraray Baarlamaanka xilligaas oo afartan maalmood ka soo wareegtay wax isbedela kuma dhiiran.

Views: 862 | Added by: Halyey | Rating: 0.0/0
Total comments: 0