Thursday, 2024-04-18, 12:24 PM

Site menu
Best Free Domains
Our poll
Rate my site
Total of answers: 14
Search
Main » 2014 » August » 1 » Maamulka Puntland oo Ka Cadhootay Maamulka Xamar
0:52 AM
Maamulka Puntland oo Ka Cadhootay Maamulka Xamar

Akhriso 7-Qodob oo sabab Puntland uga dhigtay Kalsoonidii ay kala noqdeen Dawladda Federaalka ee Muqdisho:
Dawlada Puntland waxay go’aan ku gaartay Qodobada soo socda:
1-Dawada Puntland waxay ka soo hor jeedaa heshiiska maamul usamaynta Gobolada dhexe kaa soo khilaafsan dastuurka dawlada federaalka
2-Waxay dawlada puntland aad uga xuntahay ka qaybgalka Xunbnaha Beesha caalamka iyo in ay marhkaarti ka noqoto heshiis khilaafsan dastuurka Dawlada federaalka
3-Waxay dawlada Puntland nasiibdaro u aragtaa in madaxdiisare ee dowlada federaalka ay horsed ka noqdaan heshiis ka hor imaanaya Dastuurka dawlada federaalka ah iskana horkenaya Bulshada somaliyeed
4-Dawlada Puntland waxay wada tashi ugu yeeraysaa Xubnaha kaga jira Goloyaasha dawlada dhexa ee ka soo jeeda deeganada Dawlada Puntland muddo 15 casho gudahood, ugu dambeyn 15 August 2014.
5-Dawlada Puntland waxay dib ugu yeeraysaa xubintii uga wakiilka aheyd Gudiga dib u eegista Dastuurka Marwo Caasha Geele Diriye
6-Dawlada Puntland waxay go aan ku gaartay inay gabi ahaanba joojiso wixii xiriir iyo wada shaqayn ah ee ay la lehayd dawlada dhexe ee federaalka
7-Dawlada Puntland waxay cadaynaysaa wax ala wixii dhib ah ee ka yimaada heshiiskaas aan sharciga ahayn ee mamul u samaynta Gobolada dhexe ee lagu sheeganayey qayba ka mid ah Deegaanada Puntland ay mas uul ka tahay dawlada federaalka ah

 

Views: 730 | Added by: Halyey | Rating: 0.0/0
Total comments: 0