Tuesday, 2024-04-23, 12:55 PM

Site menu
Best Free Domains
Our poll
Rate my site
Total of answers: 14
Search
Main » 2014 » July » 01

Muwaaddiniin u dhashay dalka Pakistan oo tiradoodu dhan tahay 20 rag ah, ayaa qaab ganacsi dadka ah (Human trafficking) lagu soo geliyey dalka Jamhuuriyadda, gaar ahaan magaalada dekedda ah ee Berbera, halkaasoo si aan rabatinaankooda ahayn loogu shaqaystay muddo bil ka badan.

Sida lagu baahiyey qaar ka mid ah hay’adaha warbaahinta caalamka, gaar ahaan kuwa dalka Pakistan, dad wakiillo ah oo aan la magacaabin, ayaa raggan si khiyaamo ah uga soo dhoofiyey waddanka Pakistan bishii May ee sannadkan, iyadoo lagu wargeliyey in la geynayo Sucuudiga si ay shirkad kalluumaysi ugu shaqeeyaan, balse waxa si qarsoodiya lagu keenay magaalada Berbera ee Somaliland, kuwaasoo baasaaboorkooda iyo dukumantiyadii ay siteen oo dhan lagaga qaaday madaarka Dubai ee Imaaraadka Carabta. ... Read more »

Views: 742 | Added by: Halyey | Date: 2014-07-01